Sign in to follow this  
Deeq A.

Mukhtar Roobow oo lagala baxay hoygii lagu hayay

Recommended Posts

Deeq A.   

Mukhtar Roobow oo lagala baxay hoygii lagu hayay

roobow-1.jpg

Xogo Sir-doon oo soo baxaya ayaa sheegaya in hoggaanka hay’adda NISA, ay xalay hoygii uu xabsi-guriga ku ahaa kala baxeen Mukhtaar Roobow, kaas oo 1,112, [Kun, boqol labo iyo tobon] maalmood, isaga oo aan la geyn wax maxakamad ah, u af-duubn Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Sida ay xoguhu muujinayaan, lama garanayo halka la geeyay iyo sababta looga saaray hoygii muddada lagu hayay oo ku dhex yaala Xarunta Nabad-sugidda ee Habar Khadiijo, halkaas oo sidoo kale lagu hayo Xasan Daahir Aweys, oo ahaa hoggaamiyihii Ururkii Xisbul-Islaam.

Tallaabada NISA, ayaa ku soo aadeysa, wax yar kadib markii Wasiirka Amniga, Cabdullaahi Maxamed Nuur, uu eedeysane Yaasiin Farey, oo ku magacaaban ku simaha agaasimaha NISA, ku wargaliyay inuu soo gudbiyo warbixin dhameystiran oo la xiriirta xarigga Roobow.

Wax yar kadib, markii uu bannaanka u soo baxay amarka Wasiirka Amniga, waxaa iyana la baahihay jawabta Taliska Nabad-sugida, taas oo lagu sheegay in xaaladda caafimaad ee Mukhtaar Roobow ay wanaagsan tahay, isla markaana uu yahay Arday dhigta Jaamacad heerka labaad ee Master Degree.

NISA ayaa intaa ku dartay in Roobow ay bil walba ku bixiso 7,000 oo dollar, isla markaana ay booqasho ugu imaanayeen qoyskiisa saddexdii sano ee la soo dhaafay oo uu xabsi guri ku ahaa magaalada Muqdisho.

Hayeeshee, xubno ka tirsan qoyska Roobow, ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay, hadalka NISA, waxayna xuseen in Mukhtaar loo diiday taleefanka gacanta iyo in dadkiisu la kulmaan.

“Qof Mobile, Computer iyo Internet heysta ayaa Online jaamacad ka dhigan kara, saddexdaasna ma heysto Sheekh Mujhtaar”. Ayuu yiri qof ka mid ah qoyskiisa.

Waraaqda ka soo baxda NISA, waxaa lagu sheegay in Roobow, uusan buuxin shuruudihii lagama maarkaanka ahaa, hayeeshee, waxaa la xasuustaa inuu si aan gambad lahayn u sheegay inuu si buuxda uga soo horjeedo fikirka Al-Shabaab, taasina ay sabab u noqotay in ay dhowr jeer ku weeraraan degaanka Aabal oo 18 kiiloomitir u jira Xuddur, halkaasoo uu iyaga kaga gambanayay wixii ka danbeeyay 2013-kii.

Bartamihii bishii 8-aad ee 2017, Mukhtaar Roobow, oo warbaahinta kula hadlay hotel ku yaala Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in xubinnimada Al-Shabaab uu ka baxay 5 sano iyo 7 bilood ah xilligaas.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaan-dhigga Soomaaliya, Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, ayaa wareysi uu hore u bixiyay ku sheegay in Mukhtaar Roobow cali ‘Abuu Mansuur’, uu u xiran yahay, eedeysane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this