Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharaxa madaxwayne ee xisbiga Waddani oo booqasho ugu tagay Siyaasi  Jaamac Maxamed Qaaalib Hoyguu ka degan yahay magaalada Hargaysa. 

Recommended Posts

Deeq A.   

Musharaxa madaxwayne ee xisbiga Waddani oo booqasho ugu tagay Siyaasi  Jaamac Maxamed Qaaalib Hoyguu ka degan yahay magaalada Hargaysa. 

Musharaxa madaxwayne ee xisbiga wadani cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi “cirro” ayaa booqasho ugu tagay siyaasi gen, jaamac maxamed qaaalib “jaamacyare” hoyga uu ka degan yahay magaalada hargaysa.

Musharax cabdiraxmaan ciro ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada kulan iyo arimaha ay ka wada hadleen. Isagoo qoraal uu kaga hadlay kulan ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan:-

 

Waxa aan booqasho ugu tagay hoyga uu ka deggan yahay Magaalada Hargeysa Sarreeye Gaas Proff Jaamac Maxamed Qaalib [ Jaamac Yare] oo hore u soo qabtay xilalka Wasiirnimo, Taliyayaal Ciidan, haddana ah Qoraa & Bare Jaamacadeed oo runtii ka mid ah dadka faro ku tiriska ah ee keydinta iyo raad-raaca taariikhda Somaliland & Soomaalida xilkasnimo iska saaray.
Jaamac Yare, markasta oo aan kulanno, ogaalkayga wax weyn buu ku soo kordhiyaa, doorkanna amuuro culeyskooda leh baan ka sheekeysannay. Ilaahay Cimriga & Caafimaadkaba ha u kordhiyo. Aamiin.
269969719_10159003628254425_577487080608
269880427_10159003628024425_108232263737
269912630_10159003628179425_584346077504

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this