Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsade Soomaali ah oo lagu la’yahay Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ganacsade Soomaali ah oo lagu la’yahay Kenya

ganacsade-e1640783942218.jpg
: Ganacsadaha maqan, Maxamed Xasan

Waxaa la la’yahay ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Xasan kaas oo 23-kii bishan laga afduubtay duukaankiisa oo ku yaalla magaalada Machakos oo aan sidaa uga fogeyn Nairobi, sida ay ku warrantay warbaahinta Citizen.

Booliska Kenya ayaa haatan baarayaa dhacdadan.

Qoyska ganacsadahan oo warbaahintan la hadlay ayaa dowladda ka codsaday inay ka caawiso dadaallada lagu baadigoobayo ganacsadaha maqan.

Waxaana laga shakisan yahay in ganacsadaha ay la tageen shakhsiyaad la sheegay inay sameynayeen howlgal ka dhan ah dad aan u hoggaansamin tallaabooyinka ka hortagga cudurka Karona.

“Markii ay goobta yimaadeen sakhsiyaad la sheegay inay sameeyeen howlgalka dhaqangelinta tallaabooyinka ka hortagga Covid-19, waxay dadka weydinayeen afsaabka,, dhammaan dadkii aanan maaskarada wey baxsadeen, waxay ceyrsadeen Maxamed oo markii dambe ay qabteen dukaankiisa” ayuu yiri Cumar Xasan oo la dhashay ganacsadaha xilli uu wareysi siinayay The Citizen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this