Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka iyo Kenya oo ka wada-hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka wada hadlay khilaafka Siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

Qoraal uu Barta Twitter-ka soo dhigay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayuu ugu baaqay Madaxda Soomaaliya in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gabagabeeyaan doorashada iyo in ay is-xakameeyaan si uusan u dheeraan khilaafka Siyaasadeed.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa dhankiisa siiyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Warbixin uu ku cadeeyay sida ay muhiim ugu tahay in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka iyo Kenya oo ka wada-hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this