Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Taliye Yaasiin Farey oo ka war bixiyey xaaladda Roobow

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku simaha taliyaha Hey’adda NISA Yaasin Cabdullaahi Farey  aya si deg deg ah uga soo jawaabay warbixintii uu ka codsaday wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ee ku saabsaneyd xaaladda Mukhtaar Roobow.

ku simaha Taliyaha Hey’adda NISA ayaa sheegay in xaaladda Caafimaad ee Mukhtaar Roobow ay tahay mid fiican isla markaasna wuxuu tilmaamay inuu dagan yahay guri ay si weyn u ilaaliyaan Ciidamada Dowladda.

Yaasiin ayaa sheegay in Hey’adda NISA ay bil kasta uga baxdo nolosha Mukhtaar Roobow lacag gaareyso illaa 7 Kun oo Dollar.

“Mukhtaar Roobow noloshiisa waxaa bil walba NISA uga baxda 7,000 oo dollar si loo maareeyo noloshiisa iyo midka qoyskiisa, maadaama uu xubin ka noqday Al-Shabaab, isla markaana uusan buuxin shuruudaha soo dhiibaha loo dejiyay inuu waajib ka saaran yahay amnigiisa” ayaa lagu yiri Warka qoraalka.

Wuxuu kaloo sheegay in qoyskiisa ay si joogto ah usoo booqdaan isla markaasna uu leeyahay dhakhtar si joogto ah ula socdo xaaladiisa Caafimaad.

Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa sheegay in sababta uu Roobow u xiran yahay inay tahay maadaama uu kamid ahaa xubnaha Al-Shabaab isla markaasna uusan buuxin shuruudaha looga baahnaa dadka kasoo baxaya kooxdaas ee isku soo dhiibayo Dowladda.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda Yaasiin Farey

 

Page1-2.jpg

The post DEG DEG: Taliye Yaasiin Farey oo ka war bixiyey xaaladda Roobow appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this