Deeq A. Posted December 28, 2021 Miyuu Ra’iisal Wasaare Rooble ka shidaalqaadanayaa waayihii Jeneraal Ceydiid? Sida muuqata Maxamed Xuseen Rooble wuxuu doortay inuu doorashada ugu shubo Midowga Murrashixiinta oo ay hayb beeleed wadaagaan. Waa sababta uu u doonayo in heshiiska doorashada dib loogu noqdo ama uu isago soo xusho xubnaha guddiga doorashooyinka heer federaal. Waa nasiibarro in maanta rag ay ka mid yihiin Madaxweyne Shariif Sheekh Xasan dib boorka uga jafeen cooladdii sagaashamaadka oo si ba’an u naafaysay reer Koonfur Galbeed. Rooble wuxuu dheelayaa kaalintii Jeneraal Ceydiid. Wuxuu u arkaa xilka uu hayo fursad uu ku kala ridi karo dowladnimada billowga ah. Himiladiisu waa inuu soo nooleeyo xoogaggii **********ta dhibka ba’an ku hayay koonfurta Soomaaliya. Sidee 2021 u suurtogali karaa qorshe sagaashamaadkii hirgali waayay? Wuxuu Rooble amray Wasiirka Arrimmaha Gudaha Cabdullaahi Nuur inuu fududeeyo sii daynta Mukhtaar Roobow oo midiidin u ahaa argagixisada dhallinyaro badan oo reer Koonfur Galbeedna ku qalqaaliyay inay ku biiraan argagixisada. Marnaba Reer Koonfur Galbeed ma oggolaan doonaan xubno loogu talagalay inay carqaldadeeyeen doorashada heer federaal oo ka dhici doonta degaannada Koonfur Galbeed.. Sida maanta u dhacday doorashada Jubaland guddiga doorashada oo aan kaalin ku lahayn ayay doorashada hartay uga dhici doontaa Koonfur Galbeed. Waa waddo halaq-mareen ah (precedent) uu Rooble furay. Sidaad darteed riyadiisa inuu maamuusho doorashada si uu ugu xagliyo siyaasiyiin ay isku beel yihiin wax socon doona ma aha. Haddii Rooble rabo inuu marna ciidan beeleed dabada geliyo marna sheegto Ra’iisal Wasaare qaran, waa inuu u diyaargaroobo in waxa ka soo bixi doono colaadda siyaasadeed ku wajahan reer Koonfur Galbeed. Ragga ay la tahay in Rooble uu u fududeyn doono ku shubashada doorashada waxaa la gudboon inay iyagana taariikhda dib u eegeen. Adduunku Xamar oo keliya maha, reer Koonfur Galbeedna ma aha dadkii xuquuqdooda lagu tuman jiray. Macaluushayntii na soo martay iyo sidii dhallinyaradeenna argagixisadu u gumaadeen baa cashar noogu filan. Waa ayaandarro annagoo xusuusana in soddon sano ka hor maanta uu Muqdisho ka socday Dagaalkii Seddexda Bilood in Rooble ay la noqotay in xuquuqada siyaasadeed ee dad Soomaaliyeed uu ku tuman karo isago ku tiirsan ciidan beeleed isla markaana aan xitaa ka dhaliilin maleeshiyo beeleedka la magacbaxday Badbaado Qaran. Caqlixumo meesha ay Rooble geyso aragaanee. W.Q. Ibaahim S.G. Bashiir ( Ibroos), Baydhaba The post Rooble Waa Inuu Taariikhda Dib U Eego appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites