Sign in to follow this  
Deeq A.

Lix xildhibaan oo lagu doortay Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20211228_165205012.jpg?resi

Lix (6) xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu doortay magaalada Kismaayo, waxaana mudaneyaasha la doortay afar (4) ka mid ah ka tirsanaayeen baarlamaanka 10-aad ee waqtigoodu dhammaaday.

  • FB_IMG_1640697323830.jpg?resize=720%2C47Cabdirashiid Jire Qalinle

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Jubaland Cabdirashiid Jire Qalinle ayaa loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP-082, wuxuuna helay 75 cod, halka Siyaad Aadan Iidle oo la tartamay uu helay 20 cod.

  • FB_IMG_1640697330108.jpg?resize=720%2C48Xasan Cabdi Ismaaciil

Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Firinbi) ayaa mar kale loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP-217, wuxuuna helay 71 cod, halka Maxamed Farax Muxumed oo la tartamay uu helay 20 cod.

  • FB_IMG_1640687029957.jpg?resize=721%2C48Hamse Cabdi Barre

Hamse Cabdi Barre ayaa loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP-203, wuxuuna helay 69 cod, halka musharaxii la tartamay Axmed Maxamed Maxamuud uu helay 17 cod, waxaana la sheegay in ay xumaadeen 15 cod.

  • FB_IMG_1640697337130.jpg?resize=720%2C47Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug)

Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) ayaa mar kale loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP-108, wuxuuna helay 76 cod, halka Ibraahim Cabdulle Ibraahim oo la tartamay uu helay 19 Cod.

  • FB_IMG_1640697350679.jpg?resize=720%2C48Sahra Qoorsheel

Sahra Jaamac Cali (Qoorsheel) ayaa mar kale loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP-134 ee Golaha Shacabka, kadib markii ay u tanaasushay Fartuun Axmed Yuusuf. Waxaa hab gacan taag ah ugu codeysay 97 cod.

  • FB_IMG_1640697345390.jpg?resize=720%2C48Maryan Aweys Jaamac

Sidoo kale Maryan Aweys Jaamac ayaa mar kale loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP-113 ee Golaha Shacabka, waxayn heshay 83 cod, halka Saynab Cali Magaanga oo la tartantay ay heshay 15 cod.

PUNTLAND POST

The post Lix xildhibaan oo lagu doortay Kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this