Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Garxajis Oo Kulamo Kale Duwan ku yeelatay Magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Burco iyo Ceerigaabo Iyo Guuxa Lagga Darreemayo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Beesha West Burco Clan ayaa maal-mihii ugu dambeeyey kullamo gaar-gaar ah uga socdaan Magaallooyinka waa weyn ee Hargeysa,Berbera Burco,Ceerigoobo iyo deegaanadda kale ee ay beeshu degto,kuwaas la sheegay inay la xidhiidhaan xaaladda hadda dalka ku soo korodhay.

Kullamadan ayaa la sheegay in ay qoor weynta Haldoorka iyo aqoon-yahanka Beesha Garaxjis ay diirradda ku saarayaan arrimo baddan,kuwaas oo ay kamid yihiin murranka siyaasadeed ee hadda dalka ka curtay ,waxaana la filayaa in mawqifka Beesha ee ku aadan xaaladdan hadda dalku ku jira ee murranka iyo jahawareerka inay war ka soo soo saari doonnaa maal-maha soo socda.

Guddida Garaxjis oo fadhigoodu yahay Magaalada Hargeysa ayaa ah xuddunta isku xidhaysay dhaq-dhaqaaq-yaddan Beesha, taas oo maal-mahan si weyn looga darreemayo dhaq-dhaqaaq,waxaana la filayaa in mawqifka Beesha ee arrintan ay ugu dambayn ku dhawaaqi doonto guddida Beesha Garaxjis,haseyeeshee waxa la sheegay inay ka dhur-sugayaan Go’aanka Maxkamadda Sarre ay ka soo saarto murranka siyaasadeed,kaas oo ah ka ay ku go’aan qaadanayaan marka uu soo baxo.

Dhanka kalene guuxa iyo uugaanka ayaa cirka isku sharreeray tan iyo markii Madaxweyne Biixi uu Magaalada Berbera iyo Haregeysa uu shalay kaga dhawaaqay in doorashada ururrada la gelayo,isla markaana ay sannadkan soo socda hal doorasho ka dhacayso dalka,taas oo muujinaysay in uu dib u dhigayo doorashada Madaxtooyadda,waxaana haddalka Madaxweynaha uu sii kiciyey xaaladda siyaasaddeed ee dalka,kaas oo gaas ku sii shubay arrintan cakiran.

Suldaan Maxamed Muuse Cunne oo kamid ah madax-dhaqameedka Beesha oo ka hadlay arrintaas ayaa sheegay sidan:-“Haddii aad doorasho qaban weydo oo ay sidan hadda aan arkayno ay u sii socoto waxay teggi doontaa meel ka xun,waxaan leeyahay libaax laba raqood laggama wadda kiciyo,waxaan leehay soddon sannadood,ayaad fadhideen oo aad soo haysteen meesha,maanta oo ay tahay maalin-tayaddii in ciid lagu shubo oo la yidhaah ama ku cunnay ama ku ciiddeeyey walaahi in aannanu aqbalayn.”

Isagoo intaas ku sii darray “Maalinta aynu innagu ku soo dhawnay kursiga ayaa arrintaas timaddaa iyo murrankaas iyo is qabsigaas,taasi waxay muujinaysaa in aan meeshaba la inoo oggolayn.”ayuu yidhi

Suldaan Maxamed Muuse Cunne ayaa farriin u diray Beesha West Burco Clan,waxaanu sheegay in aan maanta doorasho mooyee aan wax kale la aqbalin “Beeshayda waxaan leeyahay soddon sannadood ayaan al-baabkaa garaacay-nay oo iminka al-baabkii ayaynu taaganay,laba Xisbi oo xoog leh ayeynu leenahay,labadaas xisbi waxaynu ku weynay urur maanta ku heli mayno,Madaxweyne waxaan ku leeyahay intii 1996 nagaga dhimmatay naf iyo maal wax  ka baddani naggaga biximayaan..”

Geesta kalena Suldaan Maxamed Muuse Cunne ayaa farriin u diray Musharrax Cirro iyo Faysal Cali Waraabe “Faysal iyo Cirro waxa aan leeyahay in baddan ayaad dul-qaadateen oo wax-baddan aad samayseen,midhaah nacas-nimo ayuu Madaxweynuhu u arkay ummay-daan tol waayin ummay-daan taag waayin ummay-daan tallo waayin, maanta waxa aan leeyahay wax-ba haka aqbalina,wixii sharci ah sharciga u marra,wixii  intaa dhaafsiisana annaga ayaa idiin joog-na.”ayuu yidhi

Dhanka kalene Mujaahid Cali Guray oo isna arrintaas ka hadlay ayaa sheegay yidhi “Hadii mar kale Shirqool Lam.14 uu khilaaf siyaasi ah abuurayo ta ugu xumi waa hadii looga jeedo in doorashada madaxtooyada aanay ku qabsoomin wakhtigeedii ee muddo kordhin sharci darro ah mar kale xeerkan loo adeegsado oo la yidhaa maxay samayn karaan WADDANI Iyo UCID indhahooda oo shan ah ayaa Madaxwaynaha laba sanadood loo kordhin ka dibna musharax kale oo ka heli kara ayuu ku wareejin doonaa riyina ri hirdiyi mayso eh. Markaa taasi ma Ciro iyo Faysal diid baa mise waxa loo fasiran karaa qori-isu-dhiib iyo West Burco Clan ama Habar Yoonis-diid.”ayuu yidhi .

Isku soo wadda duuboo Beesha Gaxajis ayaa kullamo kale duwan oo ay kaga arrinsanayaa xaaladda dalka ay uga socdaan Magaallooyinka dalka iyo deegaannada ay Beeshu degto,waxaana la sheegay inay Beesho ay ka dhursugayso hadda go’aanka Maxkamadda Sarre, kaddib-na ay soo saarrayso Mawqifkeeda ku aadan xaaladdan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this