Deeq A. Posted December 28, 2021 Adam (bidix) iyo Xasan (midig) Labo wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka horyimid qoraalka ka soo baxay Wasiirka Amniga ee la xiriira xariga Mukhtaar Roobow. Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xasan Cabdinuur Cabdi iyo iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha Aadan Cabdinaasir oo ka soo jeed maamulka Koonfur Galbeed ayaa go’aanka Wasiirka Amniga ku tilmaamay mid aan la aqbali karin oo meel ka dhac ku ah maamulka iyo shacabka Koonfur Galbeed. “Waan ka soo fudubney xiligii shaqsi, koox iyo qowleysato gaar ah cabsi gelin jireen Koonfur Galbeed. Waa la isbaran” ayuu ku yiri qoraal uu bartiisa Facebook ku daabacay Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Soomaaliya. Sidoo kale Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha ayaa yiri “25 sano ka hor shaqadii aan duurka u galnay, qofka ku fekeraya in aan ka aqbalo maanta oo aan talo iyo taagba haysto, waxaan filayaa in uu waalanyahay. Talada tiimaaha, dadkuna kuwii maaha”. Qoraalka ka soo baxay Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa lagu faray Ku-simaha hay’adda NISA Yaasiin Farey in uu 48 saac ku soo gubdiyo xogta la xiriirta sababta loo xiray Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur). PUNTLAND POST The post Laba Wasiir oo Ka Horyimid Dalabka Wasiirka Amniga appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites