Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaalada Soomaaliya: Ciidamo La Dul-Dhigay Xafiiska Rooble + Jawaab Culus Oo Uu Ka Bixiyay Iyo Xaalada Oo Kacsan

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaaalad kacsanaan ah ayaa lagu soo warramayaa inay ka taagan tahay xarunta Villa Soomaaliya oo saacadihii u dambeeyey la geeyey ciidamo dheeraad ah, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta oo war kasoo saaray xaaladda taagan iyo dhaq-dhaqaaqyada laga dareemayo Villa Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu socda Afgembi.

“Waxa socda saaka waa afgambi dadban mase guulaysanayo,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamo la dul-dhigay xafiiska raysal wasaaraha, taas oo uu ku tilmaamay mid sharci darro ah.

“R/W Rooble wuxuu leeyahay Xafiis shaqo oo uu Dastuurku Fadhiisiyay. In Ciidan Sharci darro lagu geeyo si looga hor istaago waxeey furaysaa albaab cusub mana shaqayndoonto insha allaah,” ayuu markale qoraalkiisa ku yidhi wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta.

Dhan kale Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa jawaab culus ku bixiyey tallaabadii ugu dambeysay ee uu qaaday madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday oo shaaciyey inuu shaqo joojin ku sameeyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka, kadib eedeymo uu u jeediyey.

Rooble oo ka jawaabay go’aankaasi ayaa marka hore Farmaajo ku tilmaamay madaxweyne hore, wuxuuna sheegay in tallaabada uu qaaday ay baal-marsan tahay sharuucda dalka.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaadau in Farmaajo uu bilaabay inuu awood ciidan kula wareego xafiiskiisa, isagoo ka digay dhaq-dhaqaaqyada haatan ka socda Villa Soomaaliya.

“Warka ka soo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee khuseeya shaqada Ra’iisul Wasaaraha iyo isku daygiisa in uu ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waa tallaabooyin baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka,” ayuu yidhi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in wixii mas’uuliyad ah ee ka dhashay waxa haatan socda uu qaado madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,” ayuu yidhi Rooble,” ayuu sii raaciyey ra’iisul wasaaruhu.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay ra’iisul wasaaraha inuu sii wadi doono waajibaadka loo igmaday, isaga oo shaaciyey in uusan cidna uga hebeysan doonin.

“Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidii caadiga ahayd u wataa shaqo maalmeedkiisii, waxaana ka go’an in uusan cidna uga heybeysan gudashada waajibaadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doorasho horseedda in awoodda lagula kala wareego si nabad ah,” ayuu yidhi.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana xaaladdu ay u muuqataa mid haatan kasii dareyso, iyada oo lagu jiro xilli adag iyo marxlad doorasho.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this