Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheikh: Waxaan Cambaareynayaa Afgambiga Milatari Ee Uu Isku Dayay Madaxweynihii Hore

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud ayaa cambaareyay weerarka lagu qaaday xafiiska ra’iisul wasaaraha kaas oo ciidamada ka amar qaata Farmaajo ay damceen in shaqada laga hor istaago ra’iisul wasaare Rooble.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in uu aad uga xun yahay isku dayga militari ee uu Farmaajo saaka ku dhaqaaqay sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaan cambaareynayaa afgambiga milatari ee uu isku dayay madaxweynihii hore,” ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sidoo kale sheegay in ay shacabka Soomaaliyeed ay la socdaan waxa uu sameynayo Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday Maxamed Farmaajo.
“Ummadda Soomaaliyeed waa ay soo jeeddaa waana feejigan tahay,” ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud.
” Waxaan ku baaqayaa ilaalinta sharciyadda dimuqaraadiga ah ee uu dalka ku dhisan yahay & garab istaagga Ra’iisul Wasaaraha si dalka looga hirgeliyo doorasho,” ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud.
Hadalka Xasan Sheikh ayaa yimid xilli afar iyo labaatanki saac ee la soo dhaafay xaalad hubanti la’aan ah dalka uu galay.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this