Deeq A. Posted December 27, 2021 Xubno kamid ah Isimada dhaqanka Puntland oo uu hoggaaminayo suldaan Siciid suldaan Cabdisalaan ayaa maanta ka baxaya caasimadda Garoowe waxayna ku wajahan yihiin magaalada Boosaaso. Isimada ayaa qayb ka aha dadaalo lagu xallinayo is-marin-waaga ka taagan xilka qaadista lagu sameeyay Agaasimihii hay’aydda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano. Isimada ayaa lagu wadaa in ay kulamo la yeeshaan Isimada Puntland ee ku sugan Boosaaso oo uu hoggaaminayo boqor Burhaan boqor Muuse. PUNTLAND POST The post Qaar kamid ah Isimada Puntland oo ku wajahan Boosaaso appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites