Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo ka horyimid shaqa-joojintii Farmaajo ku sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka horyimid shaqa-joojintii uu ku sameeyay Madaxweyne Farmaajo.

War ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in shaqa-joojinta Farmaajo sameeyay ay tahay mid baal-maarsan Dastuurka iyo Sharciga dalka.

“Warka ka soo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee khuseeya shaqada Ra’iisul Wasaaraha  iyo isku daygiisa in uu ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waa tallaabooyin baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka, mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.”

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in uu si caadiya wadan doono Shaqo maalmeedkiisa islamarkaana ay ka go’antahay gudashada waajibaadkiisa shaqo si uu dalka u gaarsiiyo doorasha horseedda Nabad

“Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidii caadiga ahayd u wataa shaqo maalmeedkiisii, waxaana ka go’an in uusan cidna uga heybeysan gudashada waajibaadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doorasho horseedda in awoodda lagula kala wareego si nabad ah.”

PUNTLAND POST

The post Rooble oo ka horyimid shaqa-joojintii Farmaajo ku sameeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this