Sign in to follow this  
Deeq A.

FARMAAJO Oo Shaqo-joojin Ku Sameeyay Rooble + Mareykanka Iyo Britain Oo Taageeray Raysal Wasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu shaqadii ka joojiyey raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu ku eedeeyay inuu soo galay raad musuqmaasuq iyo “ku takrifalid dhul dan guud ah” oo ay leeyiiin ciidammada Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaa lagu yidhi “Maadaama raysal Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu soo galay raad musuqmaasuq iyo ku takrifal hanti dan guud, uuna haatan socdo baadhitaan lagaga gun gaadhayo tuhunkaas, waxaa laga joojiyay shaqada iyo awoodaha uu leeyahay Wasiirka Koowaad tan iyo inta baadhistaas laga soo gunaanadayo”

Qoraalkaasi ayaa lagu sheegay in xubnaha kale ee xukuumadda Rooble ka tirsan ay shaqada sii wadan karaan.

Go’aankan Farmaajo ayaa soo baxay kaddib markii isaga iyo Rooble ay marka kale isku khilaafeen hannaanka doorashada Soomaaliya. Farmaajo iyo Roobe ayaa 24-kii saacadood ee la soo dhaafsaday isweydaarsaday qoraallo kulul. Farmaajo ayaa Rooble ku eedeeyay inuu gudan waayay waajibaadkii loo igmaday ee dhinaca doorashada, balse Rooble ayaa isna qoraal jawaab ah ku sheegay in musharrax gaar ah aan laga yeeli doonin inuu doorashada ku takri fallo.

Khilaafkan labada hoggaamiye ayaa la sheegay inuu carqalad galinayo geedi socodka doorashada dadban oo awal ahayd mid ahayd mid gaabis.

Dowladda Maraykanka iyo waddamada daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay muranka cusub ee labada hoggaamiye.

Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa qoraal ku sheegtay in ay muhiim tahay in madaxda dowladda iyo maamul goboilleedyadu ay si degdeg ah u dhammeystiraan doorashooyinka, sidoo kalena walaacyada jira ay hab furan oo la aqbali karo wax uga qabtaan.

Maraykanka iyo dowladda Britain ayaa labaduba waxay taageereen shir wadatashi ah oo uu iclaamiyay Rooble oo la sheegay in arrinsanayo dedejinta hanaanka doorashada Soomaaliya.

Ma ahan marki ugu horreysay oo uu madaxweyne Farmajo soo saaro go’aan ka dhan ah RW Rooble. Bishii September, madaxweyne Farmaajo ayaa qoaal uu soo soo saaray ku sheegay inuu hakiyay awooddii Rooble.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this