Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo shaqo-joojin ku sameeyay Ra’iisul-wasaare Rooble+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Farmaajo oo shaqo-joojin ku sameeyay Ra’iisul-wasaare Rooble

1654CAC6-0A4E-4EED-BC39-2EAB38E622B7_w10

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu shaqadii ka joojiyey Ra’iisul-wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu ku eedeeyay inuu soo galay raad musuqmaasuq iyo “ku takrifalid dhul dan guud ah” oo ay leeyiiin ciidamada Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaa lagu yiri “Maadaama Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu soo galay raad musuqmaasuq iyo ku takrifal hanti dan guud, uuna haatan socdo baaritaan looga gun gaarayo tuhunkaas, waxaa laga joojiyay shaqada iyo awoodaha uu leeyahay Wasiirka Koowaad tan iyo inta baaristaas laga soo gunaanadayo”

Qoraalkaasi ayaa lagu sheegay in xubnaha kale ee xukuumadda Rooble ka tirsan ay shaqada sii wadan karaan.

Go’aankan Farmaajo ayaa soo baxay kaddib markii isaga iyo Rooble ay marka kale isku khilaafeen hannaanka doorashada Soomaaliya. Farmaajo iyo Roobe ayaa 24-kii saacadood ee la soo dhaafsaday isweydaarsaday qoraallo kulul. Farmaajo ayaa Rooble ku eedeeyay inuu gudan waayay waajibaadkii loo igmaday ee dhinaca doorashada, balse Rooble ayaa isna qoraal jawaab ah ku sheegay in musharrax gaar ah aan laga yeeli doonin inuu doorashada ku takri fallo.

Kihilaafkan labada hoggaamiye ayaa la sheegay inuu carqalad galinayo geedi socodka doorashada dadban oo awal ahayd mid ahayd mid gaabis.

Dowladda Maraykanka iyo wadmada daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay muranka cusub ee labada hoggaamiye.

Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa qoraal ku sheegtay in ay muhiim tahay in madaxda dowladda iyo maamul goboileedyadu ay si degdeg ah u dhameystiraan doorashooyinka, sidoo kalena walaacyada jira ay hab furan oo la aqbali karo wax uga qabtaan.

Maraykanka iyo dowladda Britain ayaa labaduba waxay taageereen shir wadatashi ah oo uu iclaamiyay Rooble oo la sheegay in arrinsanayo dedejinta hanaanka doorashada Soomaaliya.

Ma ahan marki ugu horreysay oo uu madaxweyne Farmajo soo saaro go’aan ka dhan ah RW Rooble. Bishii September, madaxweyne Farmaajo ayaa qoaal uu soo soo saaray ku sheegay inuu hakiyay awooddii Rooble.

Halkan ka Akhri Qoraalka Rasmiga ah ee ka soo baxay Xafiiska Farmaajo:-

Muqdisho, Diseembar 27, 2021:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo;

Markuu arkay qodobka 87aad ee Dastuurka KGM ah ee dalka kaas oo tilmaamaya inuu yahay ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadii’da asaasiga ah ee Dastuurka;
Markuu tixraacay wareegtadii uu soo saaray 18kii Jannaayo 2018 ee la xiriirtay ilaalinta dhulalka danta guud si waafaqsan qodobka 43aad ee Dastuurka KMG ee dalka;
Markuu arkay xeerkii uu ku mamnuucay ku takrifalka iyo musuqmaasuqa dhulalka danta guud ee xilliyada doorashada ee soo baxay 27kii Oktoobar 2021;
Markuu ogaaday in Ra’iisul Wasaaraha uu soo galay raad tuhun oo muujinaya inuu ku takrifalay dhul dan guud ah oo leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed;
Markuu arkay in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay fureen baaris looga gun gaarayo tuhunka la xiriira Musuqmaasuqa dhul dan-guud ah oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed;
Markuu garwaaqsaday in Ra’iisul Wasaaraha uu saaray cadaadis Wasiirka Gaashaandhigga si loo leexiyo baarista looga gun gaarayo tuhunka la xiriira kutagri-falka dhul dan guud oo ay leeyihiin CXDS;
Markuu arkay in Ra’iisul Wasaaraha uu 26-kii Diseembar 2021, Wasiir cusub usoo baddalay Wasaaradda Gaashaandhigga iyadoo aan la dhamaystirin baaristii socotay taasoo looga gol leeyahay faragelinta baarista socota ee la xiriirta musuqmaasuqa dhul dan guud oo ay leeyihiin CXDS;
Madaxweynaha wuxuu soo saaray go’aamadan;
1. Maadaama Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu soo galay raad musuqmaasuq iyo ku takrifal hanti dan guud, uuna haatan socdo baaritaan looga gun gaarayo tuhunkaas, waxaa laga joojiyay shaqada iyo awoodaha uu leeyahay Wasiirka Koowaad tan iyo inta baaristaas laga soo gunaanadayo;
2. Xubnaha kale ee Golaha Xukuumadda waxay sii wadanayaan waajibaadkooda shaqo si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dalka;
3. Waxaa lagu adkaynayaa dhammaan masuuliyiinta hay’adaha dowladda inay ka fogaadaan ku takrifalka hantida danta guud, ayna dhawraan shuruucda iyo xeerarka dalka.
DHAMMAAD

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this