Sign in to follow this  
Deeq A.

Daalibaan oo Amar Culus Duldhigtay Haweenka Safraya & Darawalada Gaadiidka Qaada+Muxrim lagu xidhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Daalibaan oo Amar Culus Duldhigtay Haweenka Safraya & Darawalada Gaadiidka Qaada+Muxrim lagu xidhay

.

Daalibaan waxay ugu baaqday darawalada kaxeeya baabuurta rakaabka in aysan qaadin dumarka marka ay galayaan safarada masaafada dheer.

Waxay sheegeen in baabuurtooda ay u ogoladaan oo kaliya ah dumarka ay la socdaan dadka muxrimka u ah.

Golaha wasiirada Daalibaan ayaa soo saaray tallaabooyin kale oo ku saabsan waxbarashada iyo shaqada haweenka seddexdii bilood ee la soo dhaafay.

Boqol maalmood ayaa kasoo wareegtay markii Daalibaan inta badan gobolada ay ka mamnuuceen ardayda dumarka ah inay dhigtaan dugsiyo dhaafsiisan fasalka lixaad.

Awaamiirta ka soo baxday Wasaaradda “Farista wanaagga iyo Xumaan reebista” ayaa looga codsaday wadayaasha gaadiidka in marka ay galayaan safarka masaafada dheer ay qaadi karaan oo kaliya ah dumarka xijaabaan oo ay la socdaan ragga muxrimka u ah.

Afhayeen u hadashay wasaarada ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegtay in “haweenka safraya in ka badan 45 mayl (72 km) aan loo ogolaan inay raacaan baabuurta balse loo ogolyahay kuwa ay la socdaan qof muxrim u ah.”

Awaamiirta loo jeediyay darawalada gaadiidka Afghanistan waxaa kamid ah:

  • Waa in baabuurta aysan kasii deyn muusigga.
  • In aysan qaadin dumar aan xijaabneyn.
  • In aanay qaadin qof dumar ah wixii ka badan 45 mile iyadoo uusan la socon qof muxrim u ah.
  • Isticmaalka iyo qaadidda daroogada waa ka mamnuuc darawalada.
  • Baabuurka waa inuu istaagaa meel ku habboon xilliga salaadda.
.

Afhayeenka Daaliban Ahmadullah Wathiq ayaa BBC u sheegay in tallaabooyinka ay yihiin “talooyin” oo aysan ahayn “amar”.

Waxaan warqaddan kasoo baxday Daalibaan ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada Afghanistan, dad badan ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay arrintani.

Xiligii hore, Dalibaan dumarka uma ogolayn inay ka baxaan gudaha magaalooyinka iyagoo Muxram la’aan ah.

Bishii hore ayay aheyd markii Maxamed Khaalid Xanafi, oo ah ku-simaha madaxa Wasaaradda wanaag farista iyo ka hortagga xumaanta ee xukuumadda Daalibaan, uu soo saaray “amarro” ku socday warbaahinta oo ku saabsanaa in haweenbka laga mamnuuco in aysan kasoo muuqan bandhigyada teleefishinada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this