Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo taliye Odawaa Yuusuf amray inuu shaqada ka joojiyo Taliyaha Ciidamada Badda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage faray in uu shaqada ka joojiyo Taliyaha Ciidanka Badda Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, si waafaqsan anshaxa iyo xeerka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa sheegay in xal ka qaadista Taliyaha ciidamada Badda ay muhiim u tahay dhammeystirka Gal-baaritaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan tuhunka ku takrifal dhul dan guud ah oo ay leeyihiin Ciidanku.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka Farmaajo oo dhameystiran

AMAR SHAQO KA JOOJIN TALIYAHA CIIDANKA BADDA SOOMAALIYEED S/GUUTTO CABDIXAMIID MAXAMED DIRIR

Muqdisho, Diseembar 27, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aya faray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage in uu shaqada ka joojiyo Taliyaha Ciidanka Badda Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, si waafaqsan anshaxa iyo xeerka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay tallaabadani u leedahay dhammeystirka Gal-baaritaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan tuhunka ku takrifal dhul dan guud ah oo ay leeyihiin Ciidanku.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray dhammaan Ciidamada Qalabka Sida in ay si waafaqsan sharciga iyo Xeerarka Ciidannimo ugu fara-adeygaan dhulka Danta Guud ee Ciidanka iyo Hantida ay wakiilka uga yihiin Shacabka Soomaaliyeed, taas oo aas-aas u ah howl gudashadooda.

The post Farmaajo oo taliye Odawaa Yuusuf amray inuu shaqada ka joojiyo Taliyaha Ciidamada Badda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this