Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda A/Dibedda Mareykanka oo war kasoo saartay doorashada Soomaaliya iyo shirka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanak ayaa ugu horeyn lagu taageeray shirkii uu iclaamiyey ra’iisul wasaare Rooble, sidoo kale waxaa qoraalka walaac looga  muujiyey khilaafaadka siyaasadeed ee madaxda ugu sareysa dalka.

Qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku bilaawday, “Dowladda Mareykanka waxay taageereysaa baaqa ku saabsan kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee toddobaadkan oo diiradda lagu saarayo horumarinta iyo dedejinta hanaanka doorashada Soomaaliya.”

Sidoo kale qoraalkaan ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay si qoto dheer uga walaacsan tahay dib u dhacyada joogtada iyo khaladadaadka waxyeeleeyey kalsoonida hanaanka doorashada.

“Waa muhiim in hogaamiyayaasha qaranka iyo dowlad goboleedyada ay si deg deg ah u dhameystiraan doorashooyin madaxweyne iyo baarlaman oo lagu kalsoonaan karo, daah-furan loona dhan yahay, isla markaana ay walaacyada jira wax uga qabtaan hab furan oo la aqbali karo,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Ugu dambeyntii qoraalka waxaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’antahay inay taageerto nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, iyadoo wax kasta oo la heli karo u adeegsan doonta in lagu guuleysto hadafyadaas.

Warkaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku soo aaday iyadoo qoraal kale oo isla caawa ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho lagu yiri, “Waxaan sii wadeynaa inaan taageerno baaqa ku saabsan kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho. Wada-hadallada toddobaadkan ee Madashan horey u jirtay waxay muhiim u yihiin dedejinta hanaanka doorashada Soomaaliya iyo sixitaanka khaladaadka la arkay.”

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

The post Wasaaradda A/Dibedda Mareykanka oo war kasoo saartay doorashada Soomaaliya iyo shirka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this