Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdi Xaashi oo dalbaday in la howl-geliyo Aqalka Sare ee cusub, kana hor-yimid hadalkii MURSAL

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi ayaa soo jeediyay maadaama la dhammeystiray doorashada xubnaha Aqalka Sare in lagu dhawaaqo natiijada guud ee doorashada xubnaha Aqalka Sare,  si loo qabto fadhigii u horreeyay, ayna doortaan Guddoon iyo Guddi hoosaadyadooda, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in tallaabadaas ay gacan ka geysan karto samata bixinta marxalada adag ee uu dalku marayo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in muddo xileedka Madaxweynaha ay tahay afar sano, sidaas darteed uu muddo xileedkiisa ku ekaa Madaxweyne Farmaajo 7 Febraayo 2021.

Waxaa kaloo uu caddeeyay hadalkii ka soo yeeray Guddoomiye Maxamed Mursal uu ahaa mid aan sharciyad laheyn oo dalka u horseedaya halis amni daro iyo dagaal la mid ah midkii dhacay 25 April 2021.

Cabdi Xaashi ayaa shirka uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku baaqay ku tilmaamay inuu yahay mid muhiim u ah samatabixinta iyo hamsami socodka doorashada, wuxuun ku baaqay in shirkaas lagu saxo cabashada laga soo gudbiyey doorashada.

Hadalka Cabdi Xaashi ayaa kusoo aadayo xilli uu khilaaf xoogan u dhaxeeyo madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Cabdi Xaashi

270012018_4615563861832442_1799645827911 270006026_4615563905165771_2223731143519

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

The post Cabdi Xaashi oo dalbaday in la howl-geliyo Aqalka Sare ee cusub, kana hor-yimid hadalkii MURSAL appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this