Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhoobadaareed: Ciidammada Puntland Oo Dhan Waa Ciidammo Beeleed

Recommended Posts

Deeq A.   
20211226_133506.jpg?resize=822%2C472&sslCabdixakiin Dhoobodaareed: ”Ma dhici karto inaad ina adeerkaa u magacawdo taliyaha PMPF kaddibna aad beegsato PSF.”

Boosaaso (Wararka PP) — Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobadaareed) ayaa si adag u dhaliilay go’aanka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni xilka kaga qaaday Sarreeye Guuto Maxamuud Cismaan, taliyihii ciidanka PSF.

Dhoobadaareed ayaa sheegay in PSF iyo PMPF midna aysan lahayn sharciyad dastuuri ah. “Ma dhici karto inaad ina adeerkaa u magacawdo taliyaha PMPF kaddibna aad beegsato PSF. Ciidammada Puntland oo dhan baa ku kala jira gacanta beelaha waayo madaxweyne kasta wuxuu ciidanka geliyaa gacanta beeshiisa” ayuu Dhoobodaareed yiri isagoo ku baaqay in ciidammadu noqdaan kuwo dowladeed ama sii ahaadaan kuwo beeleed.

IMG-20211226-WA0002.jpg?resize=960%2C640Boqor Burhaan wuxuu ku taliyay in ciidammada Puntland sii ahaadaan goosan beeleed waayo Puntland baa markii hore oggolaatay samaynta ciidammo ka baxsan dastuurka Puntland.

Cabdixakiin ayaa gef u arkay qodobbada dastuurka Puntland uu Madaxweyne Deni cuskaday. PSF iyo PMPF (Ciidanka Badda Puntland) labaduba way ka baxsan yihiin xeyndaabka dastuurka Puntland, sida uu sheegay Dhoobodaareed.

Dhoobodaareed wuxuu difaacay go’aammadii hoggaan dhaqameedku ku gooyeen in Maxamuud Cismaan leeyahay hubka iyo hantida PSF. “Odayaashu meel fog bay wax ka eegayeen” buu Dhoobadaareed yiri. Wuxuu ku ammaanay Madaxweyne Deni inuu ugu dambayntii qiray kaalinta Boqor Burhaan.

© Puntland Post, 2021

The post Dhoobadaareed: Ciidammada Puntland Oo Dhan Waa Ciidammo Beeleed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this