Sign in to follow this  
Deeq A.

Nuxurka Liis Madaxweyne Biixi U Gudbiyay Wakiillada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shir-gudoonka golaha wakiiladda dalka u gudbiyay masuuliyiin uu magacaabay oo isugu jirra wasiiro, wasiir ku xigeeno, gudoomiyayaal hay’adeed iyo xubno madax bannaan

Masuuliyiinta madaxweyne Biixi, u gudbiyay golaha wakiiladda somaliland, ayaa dhaafay muddadii xeerku jideeyay

Ilo wareedyo Irmaan News, la xidhiidhay ayaa u xaqiijiyay in xubnaha madaxweynuhu soo gudbiyay si loo ansixiyo uu ka reebay labo masuul oo uu magacaabay kuwaas oo xilalka loo magacaabay madow badan ku jiray

Labadda masuul ee madaxweynaha somaliland, ka reebay xubnaha shir-gudoonka golaha wakiiladda loo gudbiyay ayaa kala ah

1:- Jaamac Xaaji Axmed, badhasaabkii hore ee gobolka Maroodijeex iminkana madaxweynuhu u magacaabay xubin ka tirsan guddida xuquuqal Iinsaanka somaliland, waxaana ilo wareedyo xaqiijiyeen inaanu xaq u lahayn xilka loo magacaabay

2. Cabdinaasir Cumar Jaamac, wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda warfaafinta oo madaxweyne Biixi, xilka ka qaaday balse uu wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda u magacaabay ka dib markii uu xilkaas iska casilay Baashe Cawil, oo isku deegaan yihiin masuulka inta xilka laga qaaday hadana la magacaabay. Lama oga sababta madaxweynuhu uga reebay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda liiska xubnaha golaha wakiilada loo gudbiyay

Lama oga natiijadda masuuliyiinta la gudbiyay kala kulmayaan golaha wakiiladda somaliland, balse xubnaha madaxweynuhu gudbiyay ayaa ku soo beegmaya xili golaha wakiiladdu muran sharci ka soo laabtay isla markaana ay hor-taallo ansixinta miisaaniyadda qaranka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this