Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan la filaayo inay Yeeshaan M/weyne Muuse Biixi & Hogaanka Xisbiyada Mucaaradka Somaliland+Xoggo kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulan la filaayo inay Yeeshaan M/weyne Muuse Biixi & Hogaanka Xisbiyada Mucaaradka Somaliland+Xoggo kale

 

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Iyo Gudoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka Ee Wadani iyo Ucid Ayaa lafilayaa in Ay kulan yeeshaan maalmaha soo socda, xili ay Maalmihii U danbeeyay eedaymo iyo weerar dhinaca afka isku Mariyeen Warbaahinta Kuwaasi oo bulshada jahaareer ku riday,kana dhashay xeerka muranka badan dhaliyay ee xeer14 oo Waxka badal ay ku sameeyeen golihii hore ee wakiilada iyo Golaha guurtidu uu sababay.

HOGAAN.jpg

Warar Laga helayo Ilo xogogaal ah oo ku dhow dhow Madaxtooyada iyo xisbiyada mucaaridka ayaa tibaaxay in Xidhiidho dhexmaray dhinacyadan kadib lafilayo in ay kulan Yeeshaan maalmaha soo socda, kaasi oo sida wararku Tibaaxeen  ay ku wehelin doonaan komishanka Doorashooyinka Somaliland oo iyagu leh mudeynta wakhtiga ay Qabsoomayso doorashooyinka madaxtooyada iyo guurtida oo xiliga ay astaysan yihiin uu caqabad ku noqonayo waxka Badalka xeerka 14 oo wakhti xaadirkan horyaal maxkamada Sare ee jamhuuriyada Somaliland kadib markii ay golaha Wakiilada oo uu madaxwaynuhu kusoo celiyay ay isku fahmi Waayeen qaabka loo waajahayo, kaasi oo markii danbe 46 Mudane codsi u gudbiyeen maxkamada sare si ay tafsiir sharci ugu samayso.

kulan-3.jpg

Kulanka madaxwaynaha, hogaanka xisbiyada mucaaridka iyo komishanka doorashooyinka ayaa lagu wadaa in lagaga wado hadlo qodobo xasaasiya oo ay ugu horayso xalka gaadhida xeer 14 iyo isfaham laga gaadho sidii laysku waafajin lahaa doorashooyinka madaxtooyada iyo guurtida iyo furista ururada siyaasada oo dhamaan wakhtiga loo asteeyay ee lagu waday in ay dhacaan ay tahay sanadka 2022 gudihiisa.

Shacabka Somaliland ayaa iyagu  udhagtaagayada kulanka lagu wado in uu dhexmaro Daneeyayaasha siyaasada somaliland ee sadexda xisbi qaranka ,xukuumada iyo komishanka kaasi oo Hadii ay wada gaadhaan xal siyaasadeed daawo u noqonaysa Khilaafka  soo kala dhexgalay xisbiyada mucaaridka iyo Xukuumada oo Dhinaca kale  saameeyay xildhibaanada golaha Wakiilada oo iyagu la kala safan aragtiyaha xisbiyada mucaaridka Iyo doonista xukuumada xisbiga kulmiye ee xeerka furista ururada, oo Sababay in uu Khilaaf culus oo gacan ka hadal gaadhay ka dhex dhaliso Xildhibaanada golaha wakiilada kuwaasi oo tahli kari waayay in Uu qabsoomo kalfadhigoodii, wallow maalinta bari  ay U balansan yihiin in ay isku yimadaan fadhigii  golaha, si ay U gudogalaan hawla shaqo ee u yaala oo ay kow ka tahay ka Doodista miisaaniyada qaranka.

gudida-doorashooyinka.png

Dhanka kale kulanka ayaa lagu wadaa in uu qayb ka noqdo gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland cabdirasaaq khaliif,

Halka wararka laga helayo dhaqdhaqaaqyada kulanka asxaabta siyaasiyada,madaxwaynaha iyo komishanka doorashooyinku ayaa intaa ku daray in  gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland uu dhankiisa ka war sugayo natiijada ka soo baxda kulankan si uu ugu dabaqo go,aanka tafsiirka sharci ah ee ay  Maxkamadu ka soo saarayso xeer14,balse lama hubo in ay ka hor dhici doonaan iyo in ay sugi doonaan xalka siyaasadeed asxaabta iyo xukuumadu ka gaadho Qasboomida Doorashooyinka Kaasi Oo Buddhig Unoqonaya in maxkamada sare ay ku salayso go,aankeeda.

Guddoomiyaha-Maxkamada-Sare-Ee-SL.png

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this