Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee dadaall xal loogu raadinayo xiisadda Boosaaso + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay madaxweynayaashii ka horreeyay ee kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Ra’iisul Wasaare hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo siyaasiyiin kasoo safartay magaalada Nairobi ee Kenya.

Kulanka oo uu sidoo kale goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), ayaa ujeedkiisu ahaa in xal loo raadiyo xiisadda Boosaaso ee ka dhalatay xil ka qaadista Agaasimaha PSF iyo diidmada uu go’aankaas ku sameeyay Maxamuud Cismaan Diyaano.

Faroole, Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in ay u istaageen xal u helista dagaalka saddexda cishe ka socday magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari oo sababay dhimasho, dhaawac, barakac iyo Burbur soo gaaray goobo kala duwan.

Wafdiga ka gaaray magaalada Garoowe ayaa la filayaa inay tagaan magaalada Boosaaso si ay ula kulmaan dhinaca kale ee PSF, waxaana la filayaa maalmaha soo socdo in xal laga gaaro xiisadda ka taagan Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ballan-qaaday in ciidanka ka amar-qaata ee dagaalka kala hortagay PSF in ay joojinayaan rasaasta, waxa uu tilmaamay in uu diyaar u yahay xal weliba oo ay go’aan u arkaan Isimada, Bulshada rayidka, Madaxdii hore ee Puntland iyo dhinacyada kale ee waan-waanta wada.

Garoowe iyo Boosaaso waxaa ka socda kulamo xal loogu raadinayo sidii loosoo afjari lahaa xiisadda ka dhalatay dagaalka dhex maray Ciiamada ka kala amar-qaata Siciid Deni oo ah Madaxweynaha DG Puntland & kuwa PSF ee oo diidan in xilka laga qaado Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano.

269597900_1317238408689676_1328135968562 269602903_1317239385356245_8295607877498 269729389_1317238328689684_3654374995586 269925365_1317240982022752_4628190362922

The post Wararkii ugu dambeeyey ee dadaall xal loogu raadinayo xiisadda Boosaaso + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this