Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqsiyaadka uu Axmed Madoobe la doonayo inay kusoo baxaan Kuraasta la shaaciyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shaacisay liiska xubnaha guddiyada ee soo xulaya ergada dooraneysa lixda kursi ee ugu horreeya xubnaha Golaha Shacabka ee ka imaanaya degaanada maamulkaas gaar ahaan degmada Kismaayo.

Durba waxaa soo baxeyso cabasho laga muujinayo sida uu Axmed Madoobe ku wajahayo doorashada Golaha Shacabka, waxaana lagu eedeeyey inuu Kuraasta dhan u diyaarsaday shaqsiyaad uu isaga aaminsan yahay.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyey inuusan wax talo ah ka siin salaadiinta iyo odayaasha dhaqanka rasmiga ah ee loogu talagalay inay soo xulaan ergada dooraneyso Kuraasta.

Oday dhaqameedyadii rasmiga ahaa ayaa haatan qaarkood si cad uga hor yimid inuu Ahmed Madoobe doorashada sida uu isaga rabo ka sameeyo.

Waxaa fashilmay qorsho uu Axmed Madoobe ku doonayey in ergada soo dooraneyso dhammaantood laga dhigo Askar isaga ka amar qaata, waxaana qorshahaan Axmed Madoobe la waday guddoomiyaha guddiga doorashada ee Jubbaland.

Kuraasta hadda lagu dhawaaqayo doorashadooda ayaa la sheegay inuu Axmed Madoobe doonayo inay kusoo baxaan shaqsiyaadka hoose ku qoran:

Kursiga Qofka la siinayo
HOP#217 Hassan Abdi ismaaciil (Hassan Firinbi)
Hop#203 Hamze Abdi Bare (gudoomiyahii Doorashada Ahmed Madoobe)
Hop#082 Abdirashid Jire Qalinle (wasiirka Madaxtooyada Jubbaland)
Hop#028 Abdinur Ali aadan
Hop#134 Sahra Jaamac Ali  (Sahra Qoorsheel)
Hop#113 Maryan Aweis Jamac (wasiiradda gaadiidka badda)
Hop#136 Omar Yusuf Galadiid

Waxaa kursiga loo diidan yahay colneel Khaalid Abdullahi

HOP#072 Cabdirashiid Maxamed Xidig

Waxaa kursiga loo diidan yahay Cabdi Cali Raage

HOP#219 Rooda Carab (Jinni Boqor) iyo Koojaar midkood

Waxaa kursiga loo diidan yahay Xil. Abdifatax Mohamed Ali

The post Shaqsiyaadka uu Axmed Madoobe la doonayo inay kusoo baxaan Kuraasta la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this