Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo Madaxtooyada ku qaabilay Faroole, Gaas, Cumar Cabdirashiid iyo madax kale

Recommended Posts

Deeq A.   
1-19.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ra’iisalwasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Madaxweynihii hore ee Puntland Sanatar Mudane Cabdiraxmaan Faroole, Ra’iisalwasaarihii hore ahna Madaxweynihii hore Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi la socda.

Iyadoo xalayto uu ku baaqay Madaxweynaha Dowladda Puntland dhammaan Masuul, Siyaasi, Waxgarad iyo Isimada Puntland in laga wada qeyb qaato nabad in lagu dhammeeyo shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso, ayaa Madaxdii Hore ee Puntland iyo Soomaaliya waxay ka qeyb qaadan doonaan doorkooda nabadeynta.

Kulanka oo ahaa soo dhoweyn waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Qaar ka mid ah siyaasiyiin iyo aqoonyahanka Puntland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo Madaxtooyada ku qaabilay Faroole, Gaas, Cumar Cabdirashiid iyo madax kale appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this