Sign in to follow this  
Deeq A.

Meydka Mid Ka Mid Ah Culimada Soomaalida Ee Mareykanka Oo La Helay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Columbus)-Wararka ka imanaya dalka Maraykanka ayaa sheegaya in la helay xalay meydka Alle ha u naxaristee Sheekh Maxamed Xasan oo Imaam ka ahaa Masaajika Abuu-hureyra ee magaalada Columbus ee dalka Mareykanka.

Sheekh Maxamed ayaa la raadinayay muddo laba maalmood ah hase yeeshee waxaa xalay laga helay meydkiisa oo dhaawacyo culus ka muuqdaan meel la dhigo baabuurta duugowday oo ku taalla magalada Columbus.

Lama oga illlaa hadda cidda ka dambeysa dilka Sheekh Maxamed hase yeeshee ciidamada Booliska dalka Maraykanka ayaa sheegaya inay baadhitaan kusameynayaan cidda ka dambeysay dilka sheekha.

Magaalada Columbus ee gobolka Ohio ayaa waxaa hore loogu dilay dhalinyaro Soomaali ah balse majirto cid loo soo qabtay dilkooda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this