Deeq A. Posted December 25, 2021 Dunida Maanta la joogo, Madaxda dunida ee awwooda badan leh ee Nuclear ka haysataa Codka dadweynaha ayay baryaan, Trump ayaa Xoog ku haysan lahaa Xukunka haddii ay u suurto gelayso, macadalaa inaga oo og itaalka Xukuumadeena oo aan awwood u lahayn inay cid cabudhiso ama ay xoog wax ku marsato. Dhinaca kale ma jiraan Xisbiyo Mucaarid ah oo dab hindhisaya oo Nuclear soo ridi karaa haddii ay dariiqa saxda ah ka leexdaan oo aanay si nabadgelyo ku jirto xuquuqdooda u difaacan. Hadaba maadaama aan cidina cid muquunin karin oo aan la kala itaal roonayn waxaa haboon in la ogaado inaan cidina guul ku gaadhayn muran madhalays ah iyo nabadgelyo darro dalka ka dhacda. Qofna Fijaan caano leh nabad ku dhami maayo Mucaarid iyo Muxaafid toona hadii aynu mur-kacano oo aynu dhoobada walaaqano dibna ugu laabano dhibtii laga soo gudbay. Hadaba marka ay arrimuhu soo gaadhaan halkan ay maanta taagan yihiin, waxaa is xilqaami jiray dadka ehlu-xal ka ah ee bulshada hormuudka u ah, kuwaasoo u sara joogsan jiray inay isu soo dhaweeyaan dhinacyada is haya, Runtana u kala sheegi jiray cidii khaldan. Waxaan ku talin lahaa in imika la soo gaadhay xiligii ay doorkooda qaadan lahaayeen hoggaanka Ummadu sida Culimada, Ganacsatada, Hoggaanka dhaqanka iyo ururrada bulshadu. Dabcan waxaa jira dad badan oo indhow garad ah oo ilaa ay Alamtara soo dhaafto aan caqligu ku soo degin, kuwaasoo is adkayn iyo kala dhalinta goolal siyaasadeed ay ka qariso daruuraha madow ee soo waajihi kara Dalka, markaas ay fogaato ayay cir iyo dhulba xamili waayaan kuna calaacalaan inay haboonayd in bilowgii wax laga qabto. Waxaan filayaa kuwa aaminsan ku jiq-siida iyo murankan taagan oo sii jiitamaa inay yihiin kuwo aan waayo arag ahayn oo laga yaabo inay dhasheen 1990 ka dib, ama ay yihiin fulayaashii qurbaha usoo yaacay xiligii uu socday halgankii SNM oo aan colaad waxba ka tari karin haddii ay qadhaadhaato. Isku daawasho Xal maaha ! Qorre: Kaysar Maxamed. Source Share this post Link to post Share on other sites