Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo:Wasiir Al-baani oo Xadhiga ka jaray Masaajid cusub oo Madaxweyne Muuse Biixi u dhisay,Una waqfay Aabihii

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Halkan ka Daawo Muqaalka Warka:-

Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheikh Cabdirasaaq Albani ayaa ka qaybgalay munasibad lagu furay masaajid cusub oo laga hirgeliyay galbeedka magaalada hargaysa  Gaar ahaan Agagaarka Grand Haddi Hotel Dhiniciisa Galbeed kaasi oo Madaxweyne Muuse Biixi u waqfay uguna magac daray Aabihii Biixi Cabdi.masjid.png

 

Wasiirka diinta oo ka hadlay munaasibada lagu furayay masaajidkan ayaa yidhi; “waxaynu caawa oo bishu tahay 23/12/2012 aynu halka ku furaynaa masjid qiimo wayn oo layidhaa “masjidu biixi Cabdi Xildii” oo uu dhisay madaxwaynaha qarana muuse biixi cabdi oo u waqfay Aabihii Alle ha,unaxariistee BIIXI CABDI XILDIID, Oo ku dhacay goob aad muhiim u ah Iyo xaafad Aad Ugu ubaahnayd Masaajid”

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this