Sign in to follow this  
Deeq A.

Columbus : Imaam Masjid oo Meydkiisa La Helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya magaalada Columbus, Ohio ee dalka Mareykanka ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay imaamka Masjidka Abuu Hureyra ee magaalada.

Imaam Maxamed  Xasan ayaa la sheegay in la’aa muddo, lana waayey kadib markii uu masjidka ka baxay, oo meel kale aaday.

Sheekh Horseed Ceyni oo ah agaasimaha dallado masjid ee  Ohio oo arrinkan wareysi ka siiyey VOA laanta afka Soomaaliga ayaa sheegay in Sheekh Maxamed la la’aa muddo labo maalin ah, kadibna meydkiisa laga helay goob garaash ah, waxaa uuna intaa ku daray in marar badan sidan oo kale loo dilay Soomaali badan balse aan waxba laga qaban.

Hey’adaha amniga ayaa lagu wadaa in ay baaraan sababta dilka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this