Sign in to follow this  
Deeq A.

Faroole, Gaas iyo CC Sharmaa’arke oo ku sii jeeda Puntland + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas oo uu wehliyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke ayaa maanta u kicitimay Puntland.

Mas’uuliyiintan oo ay wehliyaan xildhibaano iyo odayaal dhaqameedyo ayaa saacadaha soo socda gaari doono magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Ujeedka safarka madaxdan ayaa la xiriira sida ay qeyb uga noqon lahaayeen dadaallada nabadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadda dagaal ee Boosaaso.

Faroole, Gaas oiyo Sharmaa’arke ayaa wada-hadallo ka dhex bilaabi doono Puntland & PSF, waxayna sidoo kale la kulmi doonaa Ismida dhaqanka ee haatan ku howlan sidii wax looga qaban lahaa muranka ka dhashay xil ka qaadistii agaasimaha PSF-ta.

Socdaalka mas’uuliyadda oo aad loo soo dhoweeyey ayaa ku soo beegmaya, iyada oo xalay Deni uu jeediyey khudbad xasaasi ah oo kaga hadlay xaalka Boosaaso kuna baaqay nabad.

Puntland ayaa xaalad dagaal gashay, kadib go’aankii xil ka qaadista ee General Maxamuud Cismaan Diyaano oo ka horyimid talaabada uu qaaday madaxweynaha maamulkaasi.

Dagaalkii Boosaaso ayaa sababay dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakac ay sameeyeen dadka deegaanka, walow qaarkood ay haatab dib ugu soo laabteen guryahooda.

Si kastaba, lama oga sida ay kusoo dhammaan doonto arrinta, waxaase laga war dhowrayaa dadaallada nabadeed ee haatan ka socda deegaanada Puntland.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

The post Faroole, Gaas iyo CC Sharmaa’arke oo ku sii jeeda Puntland + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this