Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u dambeeyey wada-hadallo u socdo Rooble iyo Musharixiinta + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ka socda shir gaar ah oo u dhexeeyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Musharixiinta Mucaaradka, kaas oo looga hadlayo xaaladda taagan iyo doorashooyinka.

Wararka ayaa sheegaya in shirkan oo ah mid xasaasi ah uu goordhow ka billowday hoyga ra’iisul wasaaraha, waxaana madasha ku sugan inta badan xubnaha mucaaradka.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilow ku dhow shirka ayaa waxa ay dhinacyadu diiradda saari doonaan arrimo ku aadan shirka loo ballan yahay 27-ka bishan, kaas oo u dhexeeyo Rooble, madaxda maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnaha mucaaradka ay doonayaan inay qeyb ka noqdaan shirkaasi, maadaama looga hadlayo doorashada iyo qaladaadka ka jira.

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa horey u soo saaray qoraal wadajir ah oo ay ku soo dhoweeyeen shirka ka dhacaya magaalada Muqdisho ee Golaha Wada-tashiga Qaran.

Shirkan wuxuu kusoo aadayaa, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay weli cabasho ka taagan tahay doorashada Soomaaliya, gaar ahaan mida xildhibaanada Golaha Shacabka.

Si kastaba, lama oga sida ay markale iskula jaan qaadi karaan ra’iisul wasaaraha iyo musharixiinta muddooyinkii u dambeeyey aad isugu hayey doorashooyinka dalka.

269976187_3145423402355439_3221681306442 269926967_3145423082355471_7104006889782 269967293_3145423375688775_8143620294219 269967300_3145423492355430_2958847777319

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

The post Wararkii u dambeeyey wada-hadallo u socdo Rooble iyo Musharixiinta + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this