Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Hirshabeelle oo war ka soo saaray hawgalo ka socda Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiisha Ciidanka Booliiska Hirshabeelle, ayaa ka hadlay howlgalada lagu xaqiijinayo amniga ee ka socda magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Hawlgalladaaas ayaa lagu sheegay kuwa lagu beegsanayo dadka falalka ammaan-darro ka wada magaalada iyo kuwa maan-dooriyaha isticmaala ama ka ganacsada.

Taliyaha Ciidammada Booliska magaalada Jowhar Gaashaanle dhexe Bashiir Xasan Xalfooy oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka ay fahmeen khatarta ka dhalan karta isticmaalka maandooriyaha,islamarkaana ciidamada amniga ay ku garab taagan yihiin sidii loola dagaalami lahaa kooxahaas.

Wuxuu taliyahu sheegay in ay ciidammadu baari doonaan goob iyo guri walba oo ku yaalla magaalada, si loo xaqiijiyo amniga, waxayna ciidamada Booliska magaalada Jowhar goob fagaaro ah ku gubeen mukhaadaraad gaaraya 382-kiilo oo ay ku qabteen howlgal ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada.

PUNTLAND POST

The post Booliiska Hirshabeelle oo war ka soo saaray hawgalo ka socda Jowhar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this