Sign in to follow this  
Deeq A.

Faroole, Gaas iyo Cumar Cabdirashiid oo ku wajahan Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan Ex. Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo siyaasiyiin kale ayaa ku wajahan Garoowe.

Mas’uuliyiinta ayaa qayb ka noqon doona xallinta is-marin-waaga ka dhashay xilk qaadistii lagu sameeyay Agaasimihii hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

Imaatinkooda ayaa ku soo beegmay xilli Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu xalay shaaciyay in dowladdu nabad ka qaadatay colaaddii Boosaaso islamarkaana wada-hadal lagu xallinayo muranka ka taagan hay’adda PSF.

PUNTLAND POST

The post Faroole, Gaas iyo Cumar Cabdirashiid oo ku wajahan Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this