Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo nabad ku baaqay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo caawa ka hadlay xaaladda Boosaaso ayaa ballan-qaaday in dowladdu aqbalayso xalka nabadda Boosaaso, xabbad dambena aysan dhici doonin.

Madaxweyne Deni ayaa ugu baaqay shacabka ka barakacay Boosaaso in ay guryahooda ku noqdaan, wuxuuna amray in berri laga bilaabo dib loogu furo dhammaan xarumaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee bixiya adeega dadweynaha.

Wuxuu sheegay inuu khilaafka PSF u daynayo isimada iyo waxgaradka ku jira, xal kasta oo ay soo saaraana ay la qaadanayso dowladdu, isagoo qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabadda Boosaaso.

Muuqaal: Khudbadda Maxweyne Deni

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo nabad ku baaqay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this