Deeq A. Posted December 23, 2021 SIDA DAWLAD KU BURBURTO Ma jiro qaran cirka ka yimid. Qaranku waa qabaa’ilka ama beelaha dalka oo isu taga kuna heshiiya dastuur si ay u samaystaan dawlad wada matasha una wada adeegta. Haddii hoggaanka dal ku kaco kelitalisnimo iyo dulmi, dastuurka ayaa burbura, midnimada ayaa dhaawacanta, qabaa’ilka ayaa is-diida oo kala jaba, nabadgelyada ayaa xumaata, iska horimaad ayaa dhaca, ciidamada ayaa kala jaba oo kala taageeraan qabaa’ilkooda, dabadeed waxaa dhaca dagaal sokeeye, sidaasna waxaa ku burbura qaranimada iyo dawladnimada. Dalkasta hoggaankiisa ayaa ka mas’uul ah ilaalinta dastuurka iyo shuruucda dalka si ay u jirto qaranimada iyo dawladnimada. Kelitaliye Siyaad Barre ayaa ku hadaaqijiray: “Qabiil qaran lama dagaallamo.” Waxaa uu fahmikariwaayay in qaranku ka kooban qabaa’il oo haddii dulmi iyo kelitalisnimo lagu maamulo la kala tegayo oo la iska horimanayo, qaranimaduna ka baxayso meesha, taas oo uu indhihiisa ku arkay kuna jabay, dawladnimadiina ku burburtay. Dal waxaa dhisa ama burburiya madaxweynaha, marba sida uu u dhaqmo. Ibrahim Hassan Gagale ibrahimgagale@gmail.com Qaran News Share this post Link to post Share on other sites