Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Wasiirka Gaashaandhigga oo si cad u sheegay cidda uu amray in la baaro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa fasiraad ka bixiyey warqadda Shalay uu soo saaray oo uu kaga hadlay boobka la sheegay in lagu hayo dhulka Ciidamada Badda.

Wasiirka ayaa caddeeyay in warqaddii shalay ka soo baxday Xafiiskiisa ay ujeedadeedu aheyd in baaris rasmi ah lagu sameeyo hadalkii gafka ahaa ee ka soo yeeray Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka.

Wasiirka ayaa hadalka Taliyaha Ciidanka Badda ku tilmaamay inuu ahaa hadal ka baxsan  nidaamka iyo anshaxa uuna u gafay Ra’iisulwasaaraha.

” Haddaba waxaan Ummadda Soomaaliyeed la socodsiinayaa  in baaristu ay quseyso oo kaliya sarkaalkaas shacabkana la socon doonaan gunaanadka falka uu ku kacay sarkaalka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasiirka.

Fasiraada cusub ee wasiirka Gaashaadhigga ayaa kusoo aadeys xilli baraha bulshada lagu faafiyey in warqadda wasiirka iyo baarista uu dalbaday ay ka dhan tahay Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Wasiirka

269781730_4599671683421660_6952542995050

The post DEG DEG: Wasiirka Gaashaandhigga oo si cad u sheegay cidda uu amray in la baaro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this