Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa in Puntland Lagu Taageero Dib-u-habaynta Amniga

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20211218-WA0006.jpg?resize=800%2C450Madaxweyne Deni waa ilaaliyaha Dastuurka Puntland.

Boosaaso (Faallo) — Iska horimaadka ka dhacay Boosaaso waa mid ay keentay xilkasnimo-darrada siyaasiyiinta hore ugu dulqaatay in Puntland noqoto maamulka keliya leh ciidammo ka madaxbannaan dowladda. Ilaa hadda siyaasiyiinta Puntland aan ka mid ahayn dowladda waxay jawaabtoodu noqotay aamuusnaan ama waraabe-labashitoolism (bothsidism).

Haddii mushaar li’i ay ku dhacdo ciidanka ama shaqaalaha rayidka ee Puntland, ama haddii ciidammadu dhib geystaan, waa Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni qofka lala xisaabtamayo waayo isagaa ayaa kitaab gacanta saaray si uu u qaado mas’uuliyadda hoggaaminta siyaasadeed.

Xoogga Amniga Puntland (Puntland Security Force) waa hay’ad amni oo si sharcidarro ah uu u sameeyay maamulkii Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed labaatan sano ka hor. Qaab ahaan PSF kama duwana ururkii la dagaallanka argagixisada. Waa ayaandarro in maanta Puntland ay ka jirto hay’ad amni oo ka madaxbannaan dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. Eedda labaad waxaa leh dowladda Maraykanka oo Puntland dhexdeeda ku maalgelisay hay’ad amni oo leh tilmaamaha hanti gaar loo leeyahay.

IMG-20211222-WA0002.jpg?resize=1000%2C46Muxuu Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke indhaha uga laalayaa dastuurka iyo dowladda Puntland?

Ma garan karo sababta madaxdii hore ee Puntland uga aamusan yihiin amardiiddada dadka isu arka inay yihiin mulkiilayaasha PSF. Waa in Puntland ka raalligeliso dadka abuurista xoogag amni oo dowlad shisheeye maalgeliso. Waa wax dhaawac ku ah qarannimada Soomaaliya. Madaxweyne Deni wuxuu mudan yahay taageero hiil iyo hoo ah waayo muu doonayo inuu noqdo madaxweyne farahiisa oodkac lagu cuno isagoon ogeyn.

Labaatan sano ka hor Puntland waxaa ka socday dagaal ku salaysnaa loollan awoodeed. Soddon sano ka hor maanta waxaa Muqdisho ka socday Dagaalkii Seddexda Bilood. Colaadda Boosaaso ka taagan waxay ka dhalatay sharcidarrada PSF oo isu aragta hanti dhowr qof leeyihiin. Waa in Madaxweyne Deni lagu taageero xirista cutubkan foosha xun ee taariikhda siyaasadda Puntland.

M. G Ducaale

The post Waa in Puntland Lagu Taageero Dib-u-habaynta Amniga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this