Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Xooggan Oo Ka Socda Magaalada Boosaaso Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee maamulka gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socda iska hor imaad u dhaxeeya ciiddanka amniga Puntland iyo ciiddamo daacad u ah agaasimihii hore ee ciiddanka PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano.

Labada dhinac ayaa isku adeegsanaya rasaas culus oo laga maqlayo xaafaddaha magaalada Boosaaso, waxaana xaafaddaha xabbadu ka socota ka qaxaya dadka shacabka oo hore halkaas u daganaa iyada oo uu istaagay ganacsiga iyo dhammaan dhaqdhaqaaqyadu.

Lama oga cidda bilowday dagaalka, hase yeeshee wararku waxay sheegayaan in ciiddanka Puntland ay weerar ku qaadeen taliska guud ee hay’adda PSF, halkaas oo ay isku urursadeen ciiddanka PSF.

Waxaa lasoo sheegayaa in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay iska hor imaadka socda, welise lama oga khasaaraha dhabta ah ee soo kala gaadhay labada dhinac ee dagaalamaya, sidoo kale wararka soo gaadhaya Somalilandtoday ayaa sheegaya in gaadiid la kala gubay.

Xiisadda ka taagan Boosaaso ayaa ka dhalatay xil ka qaadistii uu Saciid Deni ku sameeyey agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano oo ka horyimid tallaabadaasi, waxaana kadib fashilmay wada-hadallo lagu dhex-dhexaadinayey labada dhinac, si loo qaboojiyo xiisada.

Wixiii faahfaahin ah kala socda halkan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this