Sign in to follow this  
Deeq A.

Iran oo soo bandhigtay waxa hortaagan wadahadalka iyaga iyo Sucuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Iran oo soo bandhigtay waxa hortaagan wadahadalka iyaga iyo Sucuudiga

 

iran-4.jpg

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, Said Khadiib Saadah, ayaa sheegay in wadahadal dhexmara sucuudiga iyo Iran uu ku xiran yahay hadba sida Sucuudigu uu arrintaas uga dhabeeyo.

Khadiib saadah ayaa intaas ku daray in xukuumadda Riyaad ay ugu baaqayaan in ay qaadato mawqif diblumaasiyadeed oo ku dhisan siyaasad wanaagsan oo ah in aan la fara gelin dowladaha kale, wuxuuna sheegay in taasi tahay jidka kaliya ee horay loogu socon karo.

Sacuudiga iyo Iran ayaa sanadkan bilaabay wadahadallo toos ah iyadoo quwadaha aduunku ay isku dayayaan inay badbaadiyaan heshiiskii Nukliyeerka ee Iran, iyo iyadoo dadaalada Qaramada Midoobay ay hormuudka ka tahay ee lagu soo afjarayo dagaalka Yemen ay sii yaraanayaan.

Sacuudi Carabiya, oo xiriirka u jartay Iran 2016-kii, ayaa ku tilmaantay wada-hadallada kuwo saaxiibtinimo, balse wali ma ahan kuwo shaac baxay Halka sarkaal Iiraani ah uu sheegay in bishii Oktoobar ay wadahadalladu meel fiican gaareen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this