Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi Cali Guray oo si adag u duray Muranka & Hab-dhaqanka Golaha Wakiilada S/land

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” oo Kamid ah Siyaasiyiinta reer Somaliland ee badi ka falooda Xaalada siyaasadeed ee Somaliland ayaa ka dayriyay Habdhaqanka iyo muranka horta leh ee ka dhextaagan golaha Wakiilada Somaliland ee dhawaan ay shacabku soo doorteen.

cali-guray.jpg
shir-gudoon.jpg

Sidoo kale siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in hadii xaalka golaha Wakiiladu sidan sii ahaado oo calaa cali doono golihii hore oo sida uu sheegay cidlo ahaa, kuwana la odhan doono ciirsiladii ay cidladu dhaantay.

golaha-wakiilada.jpg

Siyaasi Cali Guray ayaa qoraal kooban oo uu golaha wakiilada kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga Wuxuna udhignaa Sidan;

“Allah Ha Uga Sahlo Somaliland Xildhibaanadii Ay Dadku Gacmahooda Ku Doorteen. Hadii Golihii Hore Cidla’ Ahaa Kani Waaba Ciirsiladii Ay Cidladu Dhaantay. Ilaahayow Sharkooda Na Mooti Waxa Kuwan Ka Soo Dhegawayn”.Siyaasi Cali Guray ayaa sidaasi yidhi.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this