Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha ciiddanka badda Soomaaliya oo raysal wasaare Rooble ku eedeeyay inuu boobayo dhulkii ciiddanka baddu lahaayeen

Recommended Posts

Deeq A.   
Taliyaha ciiddanka badda Soomaaliya oo raysal wasaare Rooble ku eedeeyay inuu boobayo dhulkii ciiddanka baddu lahaayeen
messenger sharing button
whatsapp sharing button
email sharing button
 20211220637756035567777205.jpg

 Taliyaha ciiddanka badda Soomaaliya Jeniraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa ku eedeeyay raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu boob ku hayo dhulkii ay lahaayeen ciiddamada badda Soomaaliya.

Taliyaha ciiddanka badda ayaa sheegay in raysal wasaaruhu guri deegaan oo uu isagu si shaqsiyan ah u leeyahay uu ka dhisanayo qeyb kamid ah dhulkii ciiddanka badda lahaayeen, arrintaas oo taliyuhu sheegay in uusan waxba kala soconin.

“In la hunguriyeeyo hantidii ma guurtada ah ee u hartay ciiddanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaan leeyahay wax soconaya ma ahan, wax la abali karana ma ahan in raysal wasaarihii dalka uu boob ku dhisto guri shaqsi meeshii loogu talo galay xafiisyada ciiddanka badda Soomaaliya,” ayuu yiri taliye Cabdixamid Maxamed Dirir.”

Taliye Cabdixamiid wuxuu sheegay haddii uu xilkiisa ku weynayo inuusan oggolaandoonin in boob lagu dhisto dhulka uu masuulka ka yahay ee ay leeyihin ciiddanka badda Soomaaliya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this