Sign in to follow this  
Deeq A.

Tigray-ga oo ku dhowaaqay go’aan lama filaan ah oo ay uga baxayaan dhammaan gobolladii ay qabsadeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Mekelle (Caasimada Online) – Ciidamada Tigray-ga ee la dagaalamaya dowladda dhexe ayaa ka baxaya dhammaan gobollada deriska la ah ee waqooyiga Ethiopia, waxayna ku laabayaan soohdinta gobolka Tigray, waxaa sidaas ku dhowaaqay hoggaamiyahooda.

Tallaabadan lama filaanka ah ayaa dhabbaha u xaari karta xabad-joojin la gaaro kadib 13 bilood oo dagaal qaraar ah.

“Waxaan ku kalsoonnahay in ficilkeenna geesinimada leh ee ka bixitaankeenna uu noqon doono bilowga nabadda,” ayuu qoray Debretsion Gebremichael, madaxa xisbiga TPLF oo ah xisbi siyaasadeedka gacanta ku haya inta badan gobolka waqooyi ee Tigray.

Warqadda uu diray QM ayuu ku baaqay in hawada gobolka Tigray laga dhigo aag duulimaadyada ka caagan, cunaqabateyn hub oo lagu soo rogo Ethiopia iyo xulufadeeda Eritrea iyo in la dejiyo hab ay QM ku xaqiijin karto in dhammaan ciidamada banaanka ka yimid ay ka baxaan Tigray.

Debretsion ayaa sheegay inuu rajeynayo in ka bixitaanka Tigray ee gobollada Afar iyo Amhara ay bulshada caalamka ku qasbi doonto inay xaqiijiyaan in gargaarka uu gaari doono gobolka Tigray.

QM ayaa horey dowladda ugu eedeeyey inay xayiraad kusoo rogtay gobolka – eedeyntaas oo dowladda ay beenisay.

“Waxaan fileynaa in maadaama aan ka baxeyno, in bulshada caalamka ay wax ka qaban doonaan xaaladda Tigray, maadaama aysan hadda kadib qiil ka dhigan karin in ciidamadeena ay qabsanayaan Amhara iyo Afar,” waxaa sidaas Reuters u sheegay afhayeenka TPLF Getachew Reda.

Hindisooyinka kale ee ku jiray warqadda uu Debretsion u diray QM ayaa waxaa ka mid ahaa in lasii daayo kumanaanka qof ee maxaabiista siyaasadeed ee Tigray-ga ah ee u xiran dowladda iyo in baarayaal caalami ah ay raadiyaan kuwa ka mas’uulka ah dambiyada dagaal.

Dowladda Ethiopia weli kama jawaabin go’aanka ay gaareen Tigray-ga.

Go’aankan ayaa u muuqda mid wax ka bedeli doona dagaalka socda in ka badan sanadka, ayada oo ay noqonayso tallaabo loo qaaday dhinaca xabbad joojinta, inkasta oo aan la ogeyn sida ay uga falcelineyso xukuumadda Abiy.

Ku dhawaaqista hogaamiyaha TPLF ayaa timid kadib guulo waaweyn oo dhuleed oo ay gaareen ciidamada dawladu todobaadyadii lasoo dhaafay, kuwaas oo dib ula wareegay ku dhawaad ​​dhamaan magaalooyinkii waaweyna ee hore looga qabsaday.

Hase yeeshe hogaanka TPLF, Debretsion Gebremichael wuu beeniyay in dagaaladii looga adkaaday.

QM ayaa toddobaadkii tegay isku raacday in baaritaan madax-banaan lagu sameeyey xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee Ethiopia – tallaabadaas oo ay si weyn uga soo horjeesatay dowladda.

Dhex-dhexaadiyayaal caalami ah oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Midowga Afrika ayaa marar badan isku dayey inay xabad-joojin dhex dhigaan labada dhinac, si gargaarka loogu ogolaado inuu galo Tigray.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

The post Tigray-ga oo ku dhowaaqay go’aan lama filaan ah oo ay uga baxayaan dhammaan gobolladii ay qabsadeen appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this