Sign in to follow this  
Deeq A.

Muran ka taagan xarunta lagu qabanayo Doorashada Golaha Shacabka ee ka dhacaysa Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muran ayaa ka taagan xarunta lagu qabanayo Doorashada Golaha Shacabka ee ka dhacaysa Caasimadda Garoowe.

Warar madax-bannaan ayaa sheegaya in Xukuumadda Madaxweyne Siciid Deni ay doonayso in Doorashada Golaha Shacabka lagu qabto Xerada 54-aad ee Ciidamada difaaca Puntland ku leeyihiin dhanka waqooyi ee magaalada Garoowe.

Dowladda ayaa dayac-tir ku bilowday Hoolka Xerada 54-aad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland si halkaas loogu qabto Doorashada xubnaha Baarlamanka ee la qorsheeyay in ay ka dhacdo Garoowe.

Dhinaca kale Ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in rag saamayn ku leh Doorashada iyo qaar kamid ah dadka u tartamaya Kuraasta Golaha Shacabka ay diideen Arrintaas.

PUNTLAND POST

The post Muran ka taagan xarunta lagu qabanayo Doorashada Golaha Shacabka ee ka dhacaysa Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this