Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabadh Soomaaliyada oo ku guuleysatay Taajka Quruxda ee tartanka Miss University Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Gabadh Soomaaliyada oo ku guuleysatay taajka Quruxda ee tartanka Miss University Afrika

Cadar Yuusuf

Cadar Yuusuf oo ah gabadh Soomaali ah ayaa ku guuleysatay taajka Quruxda ee tartanka Miss University Afrika, kaasoo ah mid ay ku loollamaan gabadha Jaamacadaha qaaradda.

Waa markii ugu horreysay ee ay gabar xijaaban noqoto boqoradda quruxda Jaamacadaha Afrika, sida lagu sheegay bogagga baraha bulshada ee hay’adda tartankan qabatay.

Diyaar garowga ayaa socday tan iyo horaantii bishan December, xilligaasoo ay gabadhaha loollanka ka qayb qaadanaya ay ku qulqulayeen Nigeria.

Cadar ayaa ka guuleystay tartameyaal gaarayay 61 oo isugu tagay magaalada Abuja ee waddanka Nigeria, oo ah meesha uu tartanka quruxda ka dhacayay gelinkii dambe ee maalintii Sabtida oo ay taariikhdu ku beegneyd 18-ka December, 2021.

Waxay ahayd markii labaad oo ay Cadar Yuusuf ka qayb gasho tartankan ay hadda taajkiisa ku guuleysatay, waxaana baraha bulshada si weyn ugu hadal haya Soomaalida.

Cadar Yuusuf
Cadar Yuusuf

Sida ay wararku sheegayaan, Cadar ayaa la guddoonsiiyay abaalmarin lacageed oo dhan $50,000 oo doolar, oo ah qiimaha kaalinta koowaad.

Dr Ike Kevin oo ku hadleysay afka maamulka, agaasinka iyo waaxda maaliyadda ayaa markii uu diyaar garowga socday sheegtay in ujeeddada loo qabto tartankan ay tahay oo keliya in la xoojiyo isdhexgalka bulshada Afrika.

Waxa ay intaas ku dartay in yoolku uu sidoo kale yahay in hal meel la isugu keeno dhallinyarada si awood loo siiyo, shaqo abuurna loo sameeyo.

Tartankani waxa uu ahaa kii 9-aad ee noociisa ah, sida ay sheegtay Dr Ike Kevin.

“Waxaan joognaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Nnamdi Azikiwe, oo aan ku qaabilnay 61 tartamayaal ah oo ka kala socda qaaradda Afrika,” ayay tiri xilligaas.

 

Cadar Yuusuf

Hadal-heynta ugu weyn waxay ka dhalatay Cadar oo tartanka uga qayb gashay iyadoo xijaaban, oo xiran dhar aan jirkeeda muujineynin iyo khamaar ay madaxa ku xiratay.

Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada ee Hay’adda Miss University Africa ayaa lagu arkayay iyadoo ay farxad weyn ka muuqato markii lagu dhawaaqay in ay ku guuleystay taajka.

Gabdhihii kale ee la tartamayay ayaa ku xoomay iyagoo u hambalyeynaya, farxadna u muujinaya, sida laga arki karo muuqaalka.

Sanadkii 2010-kii ayaa markii ugu horreysay la qabtay tartankan. Si ka duwan tartamada kale, khasab ma aha in gabdhaha ay xirtaan dhar jirkooda laga arkayo ama xaddidan.

Markii ugu dambeysay ee la qabtay oo ahayd 2018-kii waxaa ku guuletsatay haweeney lagu magacaabo Marlise Sacur, oo u dhalatay waddanka Mozambique.

2017-kii oo kasii horreysay waxaa ku guuleysatay, Lorriane Nadal, oo u dhalatay waddanka Mauritius.

Intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2016 tartankan lama qabanin.

Balse saddexdii sano ee ugu horreysay marka la eego, 2010-kii waxaa ku guuleysatay Powede Lawrence oo u dhalatay Nigeria, 2011-kii waxaa ku guuleysatay Christina Koagni oo u dhalatay Togo, halka 2012-kii ay taajka quruxda Miss University Afrika ku guuleysatay gabar lagu magacaabo Rorisang Molefe oo u dhalatay waddanka Lesotho.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this