Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Siciid Deni oo si adag uga digay abaabul ay wadaan Midowga Murashixiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka digay abaabul sida sheegay ay wadaan Midowga Murashixiinta Muqdisho oo ku wajahan in la dhiso Gole Siyaasadeed.

Madaxweyne Siciid Deni, ayaa sheegay in aysan jirin dhinac looga wareegi karo Doorashada socota, islamarkaana ay tahay in la saxo wixii ka qaldan Doorashadaas.

Dadka marmar dhahaya: Nidaamkan ha la iska daayo oo Golayaal hala sameeyo waa dad raba in ay Teendhadii Carta dalkan ku celiyaan waana Khatar. Fikirkaas anigu wan ka digayaa” ayuu yiri Siciid deni.

Hadalkan ayuu xalay ka jeediyay, munaasabad lagu xusayay sannad-guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen.

Halkaan ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Siciid Deni oo si adag uga digay abaabul ay wadaan Midowga Murashixiinta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this