Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni iyo Qoorqoor oo ka degay Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1639925575515.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa galabta ka degay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ee magaalada Baydhabo ku soo dhoweyey wafuud ay kala hogaaminayeen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaa Baydhabo u tagay ka qeybgalka munaasabadda sanad-guurada 3aad ee ka soo wareegtay doorashadii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo shir looga hadlayo dhameystirka arrimaha doorashada oo halkaas ay ku yeelan doonaan Madasha Wadatashiga Qaran.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa hadda ku sugan Baydhabo, waxaana ilaa berri la filayaa in ay ka degaan madaxweynayaasha Jubaland iyo Hirshabeelle.

FB_IMG_16399272101550772.jpg?resize=720% FB_IMG_16399272248956576.jpg?resize=720% FB_IMG_1639925605528.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1639925614700.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1639925622319.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1639925668652.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_16399273159407444.jpg?resize=720% FB_IMG_1639925643474.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1639925653079.jpg?resize=720%2C48

PUNTLAND POST

The post Deni iyo Qoorqoor oo ka degay Baydhabo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this