Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaali laga soo tarxiilay Dalka Turkiga oo weeraray Shaqaale Diyaarad ay leedahay Shirkada Turkish Airlines

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaali laga soo tarxiilay Dalka Turkiga oo weeraray Shaqaale Diyaarad ay leedahay Shirkada Turkish Airlines

 turkish.jpg

Dhalinyaro Soomaaliya oo laga soo tarxiilay dalka Turkiga laguna soo celiyay magaalada Muqdisho ayaa saakay weeraray shaqaale katirsan shirkada Diyaaradaha Turkish Airlines xili diyaarada ka dageysay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sida aan wararka ku helnay in ka badan 20-dhalinyaro oo Soomaali ah oo laga soo tarxiilay Turkiga ayaa weeraray qaar kamid ah shaqaalaha diyaarada , waxa ayna dhaawac gaarsiiyeen madaxii shaqaalaha diyaaradaasi oo isbitaal la dhigay.

Dhalinyaradan Soomaaliyeed ayaa ka cadhaysnaa in laga soo celiyo dalka Turkiga ay kunoolaayeen kuwaa oo qaarkood la qabtay xili ay isku dayayeen tahriib halka kuwa kalana la sheegay in sharcigu ka dhacay.

Ciidamada booliiska garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo lagu wargaliyay falka ay ku kaceen dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa la sheegay in ay la dageen ayna su’aalo ku weydiinayaan saldhiga booliiska ee ku dhax yaala Madaarka muqdiisho.

Falkan ay ku kaceen dhalinyaradan Soomaaliyeed ayaa sababay in dib u dhac ku yimaado rakaab diyaaradan Turkish Airlines saaka ka qaadi lahayd Madaarka Aadan Cadde, mana jiro ilaa hada war dowlada Soomaaliya iyo shirkada Turkish Airlines arintan kasoo saareen .

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this