Sign in to follow this  
Deeq A.

Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo lagu doortay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20211219_113239506.jpg?resi

Afar kursi oo ka mid ah kuraasta gobolada Waqooyi (Somaliland) ku matala Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu doortay magaalada Muqdisho.

  • FB_IMG_16399026485584419.jpg?resize=720%Jaamac Maxamed Askar

Jaamac Maxamed Askar oo horay uga tirsanaa Golaha Shacabka ayaa mar kale ku guuleystay kursiga tirsiigiisu yahay Hop#254, kadib markii uu ka haray tartanka Aadan Axmed Nuur Haybe.

  • FB_IMG_16399026439655289.jpg?resize=720%Guuleed Biixi Cabdi

Guuleed Biixi Cabdi oo ah nin dhalinyaro ah oo qurbajooga ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hope#255, isaga oo kaga guuleysatay tartanka laba musharax oo la tartamay. Guuleed Biixi ayaa helay 58 cod, halka labadii musharrax ee la tartamayay oo kala ahaa Axmed Maxamuud Muxumed iyo Cabdilaahi Biixi Xuseen ay kala heleen 22 cod & 21 cod.

  • FB_IMG_16399026376637948.jpg?resize=720%Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan

Kursiga tirsigiisu yahay Hope#262 waxaa markale ku guuleysatay Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, kadib markii ay tartanka ka hadhay Caasho Aadan Yuusuf.

  • FB_IMG_16399026328948660.jpg?resize=720%Cabdullaahi Cismaan Ducaale

Ugu dambeyna, kursiga tirsigiisu yahay Hope#229 waxaa ku guuleystay Cabdullaahi Cismaan Ducaale, kadib markii ay tartanka ka hartay Muna Cali Ibraahim oo la tartami lahayd.

PUNTLAND POST

The post Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo lagu doortay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this