Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma Dhabbaa In Farmaajo Uu Diyaarado Drones Weydiistay Madaxweyne Erdogan?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawladda Soomaaliya ayaa beenisay warar kala duwan oo maalmihii dambe lagu faafiyey baraha Bulshada oo sheegayay in Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Madaxweynaha Turkiga weydiistay diyaarado nooca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Darones-ka.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi (Duqa) oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in wararka la faafiyey ee la xidhiidha inuu Farmaajo diyaarado Darones weydiistay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan ay yihiin warar been abuur ah, isla markaana aanu jirin Codsi Farmaajo u diray Erdogan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this