Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Maraykanka Oo Wada Hindise Ay Heshiis Kula Somaliland.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wakaaladda Wararka ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin warbaahinta lagu daabacay oo ku saabsan in Xildhibaan James E. Risch oo ka tirsan aqalka odayaasha Maraykanka, lagana soo doorto gobolka Idaha, oo  ku baaqay in wax ka beddel lagu sameeyo xeerka difaaca qaranka Maraykanka oo dhawaan aqalka Seneteku ansixiyey, oo ay ku baxayso $768 Bilyan oo doolar.

Wax ka beddelka siyaasadda xeerka difaaca Maraykanka, waxa ku jira qadar dhaqaale oo loo qoondeeyey ‘daraasad ku wajahan amniga iyo iskaashiga difaaca Somaliland.’

Waxa kaloo qorshaha difaaca Maraykanku uu la xidhiidhaa sidii looga hawlgeli lahaa saameynta Shiinuhu ku leeyahay mandaqada bariga Afrika.

Siyaasadan cusubi waxay dhigaysaa in marin biyoodka Somaliland uu noqdo mid uu adeegsado Maraykanka iyo xulafadiisu.

James E. Risch waxa uu sheegay in  taageero la siiyo Somaliland ay sii  adkaynayso dimuqraadiyada iyo deganaanshaha ka jira JSL.

Waxa kaloo xildhibaan James E. Risch uu soo dhaweeyey iskaashiga iyo cilaaqaadka dhex maray Somaliland iyo Taiwan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this